|
Gaalkacyo,(insidesomalia.org)- Kooxo hubeysan ayaa xalay dhaawac halis ah ugu geystay bartamaha koonfurta Gaalkacyo Engineer ka shaqeeyaha dayactirka iyo qodida ceelasha.
Engineerkaan ayaa lagu dhaawacay goobtii lagu dilay madaxii nabadgalyada ee Maamulka Galmudug, iyadoo ninkii falkaas geystay uu si fudud kaga baxsaday halkaas.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in nin ku hubeysan bastoolad uu toogashadaan geystay, iyadoo dhaawaca Engineerka la dhigay Isbitaalka Gaalkacyo halkaasoo lagula tacaalayo dhaawiciisa oo lagu sheegay mid culus.
Falkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay Gaalkacyo ka socdaan kulamo lagu doonayo in lagu xaliyo xurgufo u dhexeeya koonfurta iyo waqooyiga xarunta Gobolak Mudug, waxaana ay labada dhinac kala haystaan dad iyo gaadiid.
Dhawaan ayaa Ganacsade kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo lagu afduubtay degmada Boosaaso, kaasoo lagu magaacaabi jiray Cadceed, waxaana la rumeysan yahay inay afduubkiisa ka dambeeyeen dhallinyaro ay isku hayb yihiin dad lagu haysto koonfurta Gaalkacyo.
Xaalada amaan ee degmada Gaalkacyo ayaan wanaagsanayn labadii bilood ee ugu dambeeyay iyadoo habeen dhaweyd lagu dilay degmadaas ganacsade, kaasoo aan la garanayn cidda dilkiisa ka dambeysa.
|